• English

Digniin: Iska Ilaali Dadka Iibiyya Adeegga Reeraha Laisku Qaado Ethiopia

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Swidish-ka ayaa lagu wargeliyay in ay jiri karayaan shaqsiyaad ku been abuurta in ay wakiil kayihiin Hey'adda socdaalka ee Swidish-ka ama safaaradaha dalalka qaarkood. Dadkan waxay sheegtaan in ay suura gal noqoni karto in ballanta safaaradda laguu soo horumarin karo hadii aad bixisid lacag. Fadlan la soco in Safaaradaha Swedish-ka iyo qunsuliyadaha guud ahaan inaysan qayb ka ahayn dadka lacag kuqaado inay adeeg bixiyaan. Ballamaha oo dhan waxaa laga qabsada safaaradda iyada oo lacag la’aan ah. 

Safaaradda oo kaliyah ayaa qabata codsiyada reeraha lagu qadaayo. Fadlan la soo xiriir safaaradda hadii aad haysid maclumaad ku aadan dadka ku been abuurta inay wakiil kayihiin mas’uliinta Swidish-ka ama hadii aad ka shakiso in uu qof kaaga iibinaayo adeeggyada lacag dheeri ah.(ambassaden.addis-abeba@gov.se).

Last updated 12 Aug 2021, 9.59 AM