• English

Sweden & Kenya

Somali residents

Lacagaha dalabka Haddii aad si toos ah codsigaaga ugu soo gudbiso Safaaradda, Maxaa kucasbantahay inaad ku bixiso khidmadda dalabka akoonka soo socda: Wax lacag ah ha bixinin ilaa lagu faray inaad sidaas samayso Bank: Commercial Bank of Africa Ltd Account No: 6463710059 Currency: Kenyan Shillings Name: Embassy of Sweden   Digniin: Iska ilaali dadka iibiyya adeegga reeraha laisku qaado Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee iswiidhishka ayaa lagu wargaliyay in ay jiri karayaan shaqsiyaad ku been abuurta in ay wakiil kayihiin Hay’adda Socdaalka ee iswiidhishka ama safaaradda dalabka qaarkood. Dadkan waxay sheegtaan in ay suura gal noqoni karto in ballanta safaaradda laguu soo horumarin karo hadii aad bixisid lacag. Fadlan la soco in Safaarada iswidishka iyo qunsuliyadaha guud ahaan inaysan qayb ka ahayn dadka lacag kuqaado inay adeeg bixiyaan. Ballamaha oo dhan waxaa laga qabsada safaaradda iyada oo lacag la’aan ah. Safaaradda oo Kaliyah ayaa qabata codsiyada reeraha lagu qadaayo. Fadlan la soo xiriir safaaradda hadii aad haysid maclumaad ku aadan dadka ku been abuurta inay wakiil kayihiin mas’uliinta iswiidhishka ama hadii aad ka shakiso in uu qof kaaga iibinaayo adeeggyada lacag dheeri ah (Ambassaden.nairobi-visum@gov.se). Safaaraddu waxay soo rogtay amar caafimaad oo khasab ah oo ay ugu wacan tahay Covid-19, sida soo socota: -Haddii aad ballan qabsatay oo adiga ama cunuggaaga / carruurtaada aad qabtid wax astaamo cudur ah laguu ogalaanayo soo geliddha Safaaradda. Haddii aad tahay qof jiran waa inaad la xiriirta Safaaradda si aad u baajiso ballantaada. Baajinta waa in la sameeyaa kahor maalinta aay ballanta tahay. -Ilaalada amniga ayaa lagu wargaliyay inay heerkulka ka qaadaan dhamaan booqdeyaasha, haduu yahay heerkulkah 5 digrii oo ama kasareeya lama ogalaan doono inaad soo gasho safaaradda. -Safaaraddu waxay sameydontaa liis ah dadka maalin kasta balansaan, haddii aadan ku jirin liiskaas lama ogolaanayo in luguqabilo oo add sogasho safaaradda. Markii aad ballan qabsato waa inaad sheegtaa haddii qof ku wehelin doono safaaradda oo sheeg sababta, Waxaad u baahan tahay inaad si sax ah u sixiixdo magacyada buuxa ee qofka kuweheliya iyo macluumaadkaaga gaarka ah. Safaaradda ayaa markaa kadib go'aan ka gaari doonta haddii ay lama huraan tahay iyo in kale kahor taariikhda ballanta. Haddii safaaradda ay u aragto inay sharci tahay, ka dib qofka weheliya ayaa lagu dari doonaa liiska. -Waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad soo gudbiso magacyada mas'uuliyiinta / kuwa sida awoodda qareenka haddii cunugga / carruurta yar ee la socota ay codsan doonaan baasaboor iswidish, fiiso ama rukhsad degenaansho ama in lagu wareysto. -Hadaad ubaahantahay turjubaan, tusaale ahaan, hadaadan ku hadlin af iswiidhish ama ingriis ama (luuqada sawaaxiliga ee arimaha socdaalka), fadlan nala socodsii safaarada ayaa kuu diyaarin doonta turjubaan, Ehelka iyo asxaabta looma ogolaanayo inay turjubaan noqdaan. -Booqdeyaasha dhammaantood waxaa ku waajib ah inay xirtaan maaska wajiga mar kasta inta ay ku sugan yihiin dhismaha safaaradda, haddii inay shaqaalaha socdaalku faraynin.

Codsashada oggolaanshaha joogitaanka si aad ugu guurto xubin ka tirsan qoyska Iswiidhan

Sababtoo ah masiibada o cudur calaami ah Safaaraddu waxay leedahay shaqaale kooban oo laga yaabo inay saamayan ku yeelato waqtiga qabashada iyo waqtiga looga jawaabayo emaylka. Haddii aad rabto inaad u guurto Iswiidhan si aad ula noolaato qof qaraabo dhow ah, waxaad u baahantahay oggolaanshaha joogitaanka. Codsiyada ruqsadaha degenaanshaha waxaa lagu soo gudbiyaa onleyenka ku socota wakaalada socdaalka Swedish, laakiin waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad booqato Safaaradda Sweden e Nairobi si aad wareysi u samayso, si o ah qaado biometrics ama DNA. Safaaradda ayaa kugula talineysa inaad codsigaaga ku saabsan oggolaanshaha joogitaanka ku soo gudbiso onleyenka. Laga soo bilaabo 3 May 2021, nidaamka kuwa soo gudbiyaa arjiga warqadda si ay u codsadaan sharciga degenaanshaha si ay ugu guuraan xubin ka tirsan qoyska Iswiidhan. Codsiyada waraaqaha, oo la soo gudbiyey laga bilaabo 3 May 2021, hadda waxaa loo maareyn doonaa si la mid ah arjiga adeegga elektaroonigga ah (arjiga internetka). Taas micnaheedu waa in aysan jirin doonin wareysi la xiriira arjiga warqadda la gudbiyay.

 

Fadlan akhri macluumaadka ku saabsan mamnuucitaanka gelitaanka ku -meel -gaarka ah ee Iswiidhan ee hoos timaada "tagista Sweden".

 

Sida loo codsado

Ogolaanshaha joogitaanka Iswiidhan

Safaaradda ayaa kugula talineysa inaad codsigaaga ku saabsan oggolaanshaha joogitaanka ku soo gudbiso onleyenka. Laga soo bilaabo 3 May 2021, nidaamka kuwa soo gudbiyaa arjiga warqadda si ay u codsadaan sharciga degenaanshaha si ay ugu guuraan xubin ka tirsan qoyska Iswiidhan. Codsiyada waraaqaha, oo la soo gudbiyey laga bilaabo 3 May 2021, hadda waxaa loo maareyn doonaa si la mid ah arjiga adeegga elektaroonigga ah (arjiga internetka). Taas micnaheedu waa in aysan jirin doonin wareysi la xiriira arjiga warqadda la gudbiyay.

Safaaraddu waxay heli doontaa oo keli a codsiga, khimadda dalabka iyo dukumentiyada la xiriira waxayna u gudbin doontaa Wakaaladda Socdaalka. Marka Laanta Socdaalka Iswiidhan bilawdo ka baaraandegista kiiskaaga, codsadaha sharciga degenaanshaha wuxuu heli doonaa ogeysiis si uu ballan uga qabsado wareysiga Safaaradda. Booqashadaas la xiriirta, codsadaha ayaa sidoo kale la sawiri doonaa, wuxuu bixin doonaa faraha iyo baasaboorka iyo dukumentiyada kale ee asalka ah. Warbixintaan iyo kuwa kale waxaad ka heleysaa shabakadda Laanta Socdaalka: www.migrationsverket.se

Haddii aad codsato oggolaanshaha joogitaanka si aad ugu guurto qof Iswiidhan ah aad codsigaaga ugu gudbiso adeegga elektaroonigga ah, dhamaan macluumaadka waxaa si toos ah u helayan wakaaladda Socdaalka. Howsha ayaa markaa si dhakhso ah u bilaaban karta maadaama arjiga uu san u baahnayn in Safaaradda loo diro Iswiidhan.

Kuwa aan ku codsan karin adeegga elektaroonigga ah (codsiga internetka), waxaa suurtogal ah in la siiyo awoodda qareenka qofka aad u guureyso. Isaga ama iyada ayaa markaa ku soo gudbin kara codsiga adeegga elektaroonigga ah.

Fadlan ka hel foomka iskuxirkaan: https://www.migrationsverket.se/download/

18.4100dc0b159d67dc61478e2/1574955658362/Fullmakt_en_107011.pdf

Haddii aad weli u baahantahay inaad codsigaaga toos ugu soo gudbiso Safaaradda, fadlan iimayl u soo dir ambassaden.nairobi-visum@gov.se  ka dib markaa buuxiso arji oo aad haysato dhamaan dukumiintiyadii loo baahanay.

Safaaradda Sweden ee Nairobi ayaa hadda qabata codsiyada oggolaanshaha joogitaanka ee muwaadiniinta dalalka soo socda: Kenya, Somalia, Comoros, Seychelles, Rwanda iyo Burundi.

Haddii aad codsigaaga ku gudbisay onleyenka, waxaad ka eegi kartaa xaaladda codsigaaga bogga Wakaaladda Socdaalka Swedish Migration Agency website. Waxaad hubin kartaa waxyaabaha soo socda: oggolaanshaha ardayga, ruqsadda shaqada, oggolaanshaha joogitaanka, kaarka joogitaanka, baasaboor, dhalashada Sweden iyo codsiyada magangalyo.

Booqo Safaaradda

Dhamaan codsiyada ballamaha wareysiga, ballamaha gudbinta codsiyada iyo weydiimaha kale ee ku saabsan oggolaanshaha joogitaanka waa in lagu soo diraa emayl ambassaden.nairobi-visum@gov.se  Wakhtiyada sugitaanka wareysiyada iyo soo gudbinta codsiyada ayaa hadda u dhexeeya 2-5 bilood.

 

 

Last updated 31 Mar 2022, 7.07 PM